Nin muslim 29 sano jir ah oo u dhashay dalka Masar ayaa ku dhex xanuunsaday diyaarad rakaab uu saarnaa, kadib xanuunkiisa waxaa gurmad u fidiyay shaqaalaha caafimaadka diyaaraddaas.
Waxay u keeneen daawo iyo cabitaan, intaa kadib, warqadda ogolaanshiyaha dawada ee la siiyay ayaa waxaa uu ku qoray ninka muslimka ah ereyga ah “Waxaan jeclahay Alle” isaga oo sidoo kale u mahad-celiyay.
Tallaabada uu qaaday ninkan rakaabka ahaa ayaa dhalisay tuhun iyo cabsi lasoo daristay rakaabka diyaarada, waxayna hor seeday in duuliyaha diyaaradaas oo u socotay Paris codsado inuu ku dego garoonka Roma ee caasimadda Talyaaniga.
Markii ay diyaaradda ka degtay garoobka Roma, waxaa si deg deg ah ninka muslimka ah ee laga shakiyay gacanta ugu dhigay ciidamada ammaanka Roma, waxaana durbadiiba lagu bilaabay baaritaanno adag.
Baaritaanka kadib, waxaa lagu waayay ninka Masaarida ahaa wax dembi ah. Diyaaradda ayaa ugu dambeyntii u ambabaxday magaalada Qaahira, balse waxaa ay ka tagtay oo ka baaqday rakaabkaas u dhashay dalka Masar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com