Xildhibaano katirsan Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabelle ayaa mooshin xil ka qaadis ah waxa ay ka gudbiyeen Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.
Sida aan wararka ku heleyno mooshinkan waxaa gudbiyay 57-Xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka Hirshabelle, waxaana mooshinkan gudoomay Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen.
Xildhibaanada Hirshabelle ee Mooshinka Gudbiyay ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha maamulkaasi Xil gudasho la’aan iyo musuq maasuq, waxa ayna Xildhibaanada sheegeen in in Waare ku fashilmay hogaaminta maamulka Hirshabelle.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com