Allbanaadir.com
NEWS

Dagaal 2 maalin ka socday magaalada El Geneina oo lagu dilay in ka badan 700-qof

Dalka Sudan qeybo kamid ah waxaa wali ka socda dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga dalkaasi iyo kuwa gurmadka deg dega ee loo yaqaan RSF, dagaalladaasi ayaana lagu dilay dad badan oo shacab ah.

Dagaalladii ugu dambeeyay dhiig badana ku daatay ayaa ka dhacay Galbeedka magaalada Darfur ee dalka Sudan, waxaana dagaalkan labada ciidan ee iska soo horjeeda dhax maray ka dhashay dhimasho iyo dhaawac badan .

Hay’adda Socdaalka Caalamiga ah ee IOM ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ilaa 700 oo qof lagu dilay Galbeedka gobolka Darfur, kadib  iska horimaad magaalada El Geneina ku dhexmaray ciidamada Sudan iyo xoogaga dagaalka kula jira ee RSF.

Dagaalka ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad ka badan 100-qof , halka sidoo kale nolol iyo geeri lagu la’yahay dad ka badan 300-qof oo ku sugnaa deegaannada labada ciidan ku dagaallameen.

Bayaanka kasoo baxay hay’adda IOM ayaa lagu sheegay in dagaalka ka dhacay  magaalada El Geneina uu socday intii u dhaxeysay afartii iyo shantii bishan November, waxa ay hay’adda xustay in xaalado adag ka jiraan gobolka Darfur ee dagaalku ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirrada oo maanta Ansixiyay Siyaasadda Iyo Istaraatiijiyadda Qaran Ee ….

Cabdi Cade

RW Rooble oo Khudbad xasaasi ah ka jeediyey Shirka garsoorka Soomaaliya (Sawirro)

Caydiid Ali

Maamulka G/Banaadir oo shaqsiyaad been abuur sameynayey u gudbiyey hay’adaha Amniga

Caydiid Ali