Allbanaadir.com
NEWS

Bannaan bax looga soo horjeeday Dilka Cabdullaahi Cali Hudeey oo la dhigay (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ka dhacay dibad-bax balaaran ay dhigeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi, waxaana dibad-baxa looga soo horjeeday dil xalay magaalada loogu geestay marxuumka C/laahi Cali Hudeey.

Dadkii kala duwanaa ee kasoo qeyb galay dibad-baxa ayaa muujiyay sida ay uga xumaadeen dilka argagaxa lahaa ee xalay ka dhacay magaalada Guriceel, waxa ayna dadkaasi dalbadeen in caddaaladda si deg deg ah loo soo taago raggii dilka geestay.

Waxa ay sidoo kale dadkii ka hadlay dibad-baxa ka codsadeen ehelada marxuumka la dilay in aysan qaadin tallaabooyin aargoosi ah, iyagoona sheegay in gacankudhiiglaha dilka geestay tiirka lasoo taagi doono.

Ninka xalay lagu dilay magaalada Guriceel ayaa la dhashay taliyaha ciidanka booliiska saldhigga Guriceel, waxaana la sheegay in ay baxsadeen raggii hubeesnaa ee ka dambeeyay dilka wiilkan dhallinyarada ahaa .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xaalada uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow oo walaac badan laga muujiyey

Caydiid Ali

Musharaxiin Soomaali ah ay ku jirto Ilhan Cumar oo kusoo baxay doorashadii Xisbiga Dimuqraadiga

Cabdi Cade

Israel oo si adag uga hadashay War kasoo yeeray Madaxweyne Biden oo ku aadan Qasa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---