Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Uganda ee ka mid ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Al-Shabaab ayaa saaka ka dhacay degmada Buulo-Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose
Goob-joogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu bilowday kadib markii Al-Shabaab ay weerareen saldhiga Ciidamada Uganda ee degmada Buulo-Mareer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday ku dhawaad hal saac
Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka, kaasoo labada dhinac soo kala gaaray inkastoo aan tirakoob sax ah laga heynin
Mudadii uu dagaalka socday waxaa la sheegay in Ciidamada ATMIS ay ridayeen tiro madaafiic ah oo ku dhacayay daafaha Magaalada, lamana oga khasaaraha ka soo gaaray rayidka
Ciidamada ATMIS ayaa iska difaacay weerarka Al-Shabaab, isla markaana weli ay ku sugan yihiin Saldhigyadooda degmada Buulo-Mareer sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga degmada Buulo-Mareer.
Xaalada degmada Buulo-Mareer ayaa degan, bishii May ee sanadkan ayayna aheyd markii Al-Shabaab ay weerar culus oo qaraxyo ku billaawday ay ku qaadeen saldhigyada Ciidamada ATMIS ee degmada Buulo-Mareer, taa soo keentay in Askar badan oo u dhashay dalka Uganda lagu dilo, sidoo kalena ay Al-Shabaab ay muddo kooban la wareegaan degmadaas.
Wafdi heer sare ah oo ka socda Qaramada Midoobay (QM) oo ay hoggaaminayso Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uqaabilsan Afrika (ASG), Martha Pobee ayaa Arbacadii bogaadiyay Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) kaalintooda ay ka qaateen nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.
“Ma dhihi karo wax badan oo ku saabsan ATMIS iyo hawlgalkii ka horreeyay ee AMISOM, shaqada weyn ee ay qabteen, doorka muhiimka ah ee ay Soomaaliya ka qaateen horumarinta nabadda iyo amniga dalka,” ayuu tiri ASG Pobee, intii lagu jiray kulan ka dhacay xarunta hogaaminta ATMIS ee caasimadda Muqdisho.