Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Maxay Somaliland ka tiri dagaalada dib uga bilowday gobolka Sool?

WAR-SAXAAFADEED

Waxaa maalintii labaad weerar ku soo qaaday dadka shacabka ah ee degaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool,kooxda argagixisada ah uu hogaamiyo Cabdi Madoobe, Huwanta ka dagaalanta bariga Laascaanood iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya.

Dadka shacabka ayaa iska difaacay weerarada ay soo qaadeen kooxda argagixisada ah iyo Huwanta, weerar kaasoo ahaa dagaal badheedha oo lagu soo qaaday shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabada jecel, weerarkan ay soo qaadeen maalintii labaad ayaa muujinaya sida aanay marnaba u doonayn nabad.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo gudanaya waajibaadkooda ka  saaran ilaalinta shacabka iyo difaaca Qarannimada ayaa u diray degaanka Buq-dharkayn Cutub ka tirsan ciidanka Qaranka ee sida gaarka ah u tababaran waxayna cagta mariyeen kooxaha Huwanta, Argagixisada uu hogaamiyo Cabdi Madoobe iyo Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee Soomaliya ee soo duulay.

Waxaa soo gaadhay kooxaha Huwanta khasaarihii ugu waynaa, waxayna la kulmeen jab aanay mahadin. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa in ay sugayso oo ilaalinayso amniga guud ee shacabkeeda iyo xuduudeheeda, waxayna Ciidamada Qaranku amar ku qabaan difaaca dalka iyo in ay cashar u dhigaan cadow kasta oo soo hawaysta Jamhuuriyadda Somaliland.

Cabdillaahi Axmed Caarshe

Agaasimaha Warbaahinta Iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Related posts

Tirada Weerarada Mareykanka ka fuliyay gudaha Soomaaliya Xiligii maamulka Trump oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Somaliland: “Al-Shabaabkii galay gobolka Sool waxay ka yimaadeen Saddex meelood”

Caydiid Ali

Wasiirka cusub ee ganacsiga iyo warshadaha oo lagu soo dhoweeyay Muqdisho(Daawo Sawirada)

admin