Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somalia iyo Boqortooyada Sacuudiga oo heshiis cusub kala saxiixday (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Abshir Cumar Haruuse ayaa Heshiis iskaashi ah la saxiixday dhigiisa Boqortooyada Sacuudiga Mudane Faisal bin Farhan Al Saud.

Heshiiskaan ayaa ka dhacay caasimadda dalka Sucuudiga ee Riyadh sida ay baahisay dowlada Somalia

“Wuxuu waddada u xaarayaa heshiiskan iskaashiga iyo wada shaqaynta labada dal iyo in hay’adaha labada dal si goonni goonni ah u galaan is fahanno iyo heshiisyo wada shaqayneed’ ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada warfaafinta Somalia.

Talaabadan ayaa ku soo aaday xili Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sucuudiga.

Waxaa uu halkaasi kaga qayb galayaa Saddex shir oo kala ah 1- Shirka Jaamacada Carabta 2- Shirka Ururka iskaashiga Islaamka 3- Shirka Sacuudiga iyo Afrika. Shirarkan ayaa intooda badan looga hadlayaa xaaladda shacabka Falaatiin.

Related posts

Maxkamad amar cusub ka soo saartay Soomaali laga soo masaafurin rabay USA

Caydiid Ali

Maxaa kala duway Maalintii la doortay Farmaajo iyo maanta uu mudo xileedkiisu dhamaaday ?

Cabdi Cade

Soomaaligii 3aad oo 24 saac gudahood lagu dilay Magaalada Cape Town

Caydiid Ali
Taboola Ads ---