Nin la dhashay Taliyaha Booliska degmada Guriceel Cismaan Cali Hudeey ayaa xalay lagu dhex dilay goob ganacsi oo uu Guriceel ku dhex lahaa.
Cabdullahi Cali Hudeey ayaa waxaa dilkiisa ka dambeeyey kooxo hubeysan oo markiiba ka baxsaday goobta sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.
Sidoo kale, Cabdullahi ayaa ka mid ahaa ciidanka dib u xoreynya degaanka isagoo ka qeyb qaatay dagaalo dhowaan degaanka Burujeed ku dhexmaray ciidamada huwanta iyo Al-shabaab.
Howlgalo lagu baadi goobayo kooxihii ka dambeeyey dilkan ayaa xalay ka dhacay magalada Guriceel inkastoo aan la sheegin illaa hadda cid loo soo xiray dilkan/
Wararka qaar ayaa sheegaya in dilkan uu daba socdo iska horimaad habeen hore Guriceel ku dhexmaray ciidamada Booliska iyo NISA oo dhinac iyo kooxo hubeysan oo ka ganacsada Maandooriyaha, waxaana ka dhashay iska horimaadkaas dhimashada labo ruux iyo dhaawaca qaar kale.