Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo gaaray Boqortooyada Sacuudiga (Sawirro+Video)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sucuudiga.

Waxaa uu halkaasi kaga qayb galayaa Saddex shir oo kala ah 1- Shirka Jaamacada Carabta 2- Shirka Ururka iskaashiga Islaamka 3- Shirka Sacuudiga iyo Afrika. Shirarkan ayaa intooda badan looga hadlayaa xaaladda shacabka Falaatiin.

Madaxweynaha ayaa maalmahan booqasho shaqo ku joogay magaalada Abu Dhabi, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay madaxda dalkaasi, kadibna uu halkaasi ku galey qaliin yar oo dhanka garabka looga sameeyay sida uu baahiyey telefishinka Qaranka SNTV

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirkaasi kadib si rasmi ah ugu soo laabanaya dalka si uu u guto waajibaadkiisa shaqo oo ay ugu horeyso dagaalka dalka looga xorreynayo argagixisada Khawaarijta Al Shabaab” ayaa lagu yiri war laga baahiyey SNTV

HOOS KA DAAWO SAWIRRO IYO VIDEO

Related posts

Aadan Madoobe oo mar kale la kulmay Mucaaradka Laftagareen (Muxuu kala hadlay)

Caydiid Ali

(Sawirro) Muuse Biixi oo bilado gudoonsiiyey saraakiil ciidan oo Itoobiya lagu soo tababaray

Caydiid Ali

Dowladda oo Muqdisho kusoo celisay dhallinyaro dalka dibadiisa ku xirnaa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---