Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Macron: “Ilaalinta dadka rayidka ah ee Gaza maaha wax laga gorgortami karo”

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in ilaalinta dadka rayidka ah ee Gaza ay tahay mid aan gorgortan laga geli karin.

Macron ayaa hadalkan ka jeediyey magaalada Paris xili uu ka furayey shir caalami ah oo bini’aadantinimo oo Gaza.

“Dadka rayidka ah waa in la ilaaliyo, taasi waa mid aan laga maarmi karin. Ma ahan wax gorgortan ah,” ayuu yiri Macron, isaga oo intaa ku daray in loo baahan yahay in shaqada la qabto si loo gaaro xabbad joojin.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo madaxda Midowga Yurub. Israa’iil kamay qaybgelin.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sidoo kale codsaday in si deg deg ah loo sii daayo la haystayaasha lagu haysto Gaza, shuruud la’aan.”

Guddoomiyaha Guud ee Hay’adda Gargaarka iyo Shaqada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee Bariga dhow (UNRWA), Philippe Lazzarini, ayaa khudbadiisa furitaanka ku eedeeyay in xuquuqda bini’aadantinimo ee caalamiga ah aan aan lagu dabaqin” Gaza.

“Waxaan ku sugnaa Gaza usbuucii hore, anigoo booqday iskuul ay gabaad ka dhigtaan kumannaan qof,” ayuu yiri Lazzarini. “Waxay ahayd qalbi jab, carruurtii wax ku baran jirtay oo ku qosli jirtay dugsigan, maanta waxay baryaan xabbad rooti ah iyo kabbasho biyo ah” ayuu yiri

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Jarmalka Tobias Lindner shirka ka xaqiijiyay xiriirka kala go’a lahayn ee dalkiisu uu la leeyahay Israa’iil” hase ahaatee waxaa intaas ku daray “dagaalku waa inuu noqdaa ka dhan ah Xamaas, ee maahan dadka rayidka ah ee Gaza.”

Related posts

Nin hubeysan oo dad ku laayey Jaamacad ku taalla Mareykanka (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ganacsade lagu dilay Mid ka mid ah suuqyada waaweyn ee Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Dowlada oo Guddi sare u magacawday baarista Weerarkii Xabsiga Dhaxe mudana u qabatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---