Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Belgium oo ku baaqday in Maxkamada dembiyada la soo taago Madaxda Israel

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Belgium ayaa ugu baaqay dowladdeeda inay cunaqabatayn ku soo rogto Israa’iil ayna baaritaan ku sameeyaan duqeymaha bahalnimada ah ee ay ka geysatay isbitaallada iyo xeryaha qaxootiga ee Gaza.

“Waxaa la joogaa waqtigii cunaqabateynta la saaei lahaa Israa’iil. Bambooyinka roobka  oo kale ay ugu daadineyso gaza waa kuwo ka baxsan bini’aadantinimada,” ayay tiri ku xigeenka ra’iisul wasaare Petra De Sutter oo la hadlayeysay wargeyska Nieuwsblad “Way caddahay in Israa’iil aysan dan ka lahayn dalabaadka caalamiga ah ee xabbad-joojinta,” ayay tiri.

De Sutter ayaa sheegay in Midowga Yurub ay tahay in ay si degdeg ah u joojiyaan heshiiska iyo xiriirada ay la leeyihiin Israa’iil, kaasoo ujeeddadiisu tahay in la helo iskaashi dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo wanaagsan.

Waxa ay sidoo kale sheegtay in mamnuucida soo dejinta ee badeecadaha ka imaanaya dhulka la haysto ee Falastiin ay tahay in la dhaqan geliyo, iyadoo sidoo kale ku baaqday in siyaasiyiinta, askarta masuulka ka ah dambiyada dagaalka ee Gaza laga mamnuuco inay soo galaan Midowga Yurub.

“Belgium waa in ay kordhisaa dhaqaalaha ay siiso Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee Hague, si ay u baarto tacadiyada foosha xun ee ka socda Gaza” ayey tiri haweeneydan

Waxay codsatay in la yareeyo dhibaatada ka jirta Qaza oo sahaydii aasaasiga ahaydna ay gabaabsi yihiin, iyadoo xustay in la dilay in ka badan 10,000 oo qof oo 40% ay yihiin carruur taasoo ay ku sifeysay xasuuq caqliga ka baxsan.

Israaiil ayaa sii lumineysa taageeradii siyaasadeed ee  dowladaha Yurub sababo la xiriira dembiyada dagaal ee sida arxan darada ah ay uga geysaneyso Marinka Gaza, Spain, Ireland iyo dowlada kale oo Yurub ka tirsan ayaa horey u dhaleeceeyey ficilada Yuhuuda, waxaana dhamaan dalalka Yurub ka dhacay banaanbaxyo waaweyn oo lagu diidan yahay gumaadka falastiiniyiinta.

Related posts

Khayre oo ka qeyb galay kulan ka dhacay beer ku taalla duleedka Baydhabo (Sawirro)

Caydiid Ali

Roobab Khasaare kala duwan geystay oo ka socda Muqdisho & gobolada dalka qaarkood

Caydiid Ali

Somalia iyo Boqortooyada Sacuudiga oo heshiis cusub kala saxiixday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---