Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo Doonyo dheereeya u dirtay gobolka Gedo (Daawo Sawirro)

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dowladd goboleedka Jubaland kuwaas oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo watay daadad iyo fatahaad uu sameeyey Wabbiga Jubba oo mara Degmooyinka Gobolkaas ayaa maanta laba doonyood oo ah nuuca dheereeya u dirtay degmada Baardheere .

Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qayb qataan badbaadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go’doonsan,kuwaas oo ay go’domiyeen Fatahaada Wabbiga, waxaana Muqdisho looga daabulay diyaarado elokobtar ah.

Sidoo kale hay’adda ayaa diyaarisay Gurmadyo kala duwan oo gargaar ah kuwaas oo iskugu jira raashin,dhar iyo daawo, waxaana la rarayaa dhawaan, iyadoo la gaarsinayo degmoyinka iyo deeganada fatahaadaha iyo daadadka ay ku rogmadeen.

Related posts

Al Shabaab oo weerar ka geesatay gudaha Kenya iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah Wasiiradii uu Magacaabay Deni oo xilalka loo dhaariyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Xiisada Mucaaradka & Farmaajo oo xoogeysatay & Kenya oo cadaadis ku heysa Jubbaland

Caydiid Ali