Dagaalyahannada Shiicada ee Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa soo riday diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn oo leedahay dowladda Mareykanka, xilli diyaaradaasi howlgal basaas ka waday gudaha Yemen.
Sargaal katirsan dowladda Mareykanka ayaa sheegay in diyaarad wax basaasta oo nuuceedu yahay MQ9 soo rideen ciidamada Xuutiyiinta, waxa uuna sargaalkan sheegay in diyaarada xilliga lasoo ridayay howlgal basaas ka waday xeebaha Yemen.
Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa sidoo kale xaqiijiyay in ay soo rideen diyaarada wax basaasta ee Mareykanka lahaa, waxa uuna xusay afhayeenka in ciidankooda heegan ku jiraan ayna sidaan oo kale usoo ridi doonaan diyaaradaha kale ee basaaska.
Kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen ayaa taageero buuxda ka hesha dowladda Iran, waxa ayna kooxdan dhawwaan sheegtay in ay taageereyso kooxda Xamaas, iyagoona gantaalo ku garaacay dhinaca Isreal.
Saldhigyada ciidamada Mareykanka ee kuyaalla dalalka Syria iyo Ciraaq ayaa tan iyo markii uu bilowday dagaalka Xamaas iyo Isreal la kulmayay weeraro gantaalo ah, kuwaa oo khasaarooyin kala duwan kasoo gaareen askarta Mareykanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com