Allbanaadir.com
NEWS

Lamaane Marqaati ahaa oo lagu hortoogtay Maxkamadda Randburg iyo Shaki ka dhashay

Lamaane ajaaniib ah ayaa lagu hor toogtay meel ku dhaw maxkamadda Randburg ee kutaalla magaalada Johannesbur, xilli lamaanahan ku marqaati firi lahaayeen askar katirsan booliiska Koonfur Afrika oo fal dambiyeed u xiran.

Booliska Koonfur Afrika ayaa xaqiijiyay in lamaanaha lagu dilay afaafka hore ee maxkamada darajada koowaad ee Randburg maalintii arbacada, lamaanahan ayaa ahaa  marqaatiyaal muhiim u ah kiis weerar ah oo ka dhan ah booliiska.

Labada qof ee ajnabiga ah ayaa lagu toogtay meel mitir u jirta maxkamadda, waxayna marqaatiyaal muhiim ah ka ahaayeen kiis weerar ah oo ay ku lug lahaayeen afar askari oo booliis ah, kuwaa oo maxkamadeyntooda muddo soo socotay.

Toogashadan ayaa lagu tuhmayaa in ay ka dambeeyeen kooxo xiriir la leh booliiska, waxaana toogashadan lagu tilmaamay mid qorsheysan oo la doonayay in lagu jahwareeriyo kiiska booliiska u xiran yihiin , si marqaatiyaal loo helin.

Iyadoo dacwad-oogaha ugu weyn ee kiiskan iyo marqaati kale ay hadda dhinteen, xeer ilaalinta maxkamadda kiiskan heysa ayaa go’aan ka gaari doonta mustaqbalka kiiska 23ka bishan November.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo Maxkamad soo taagtay rag & haween lagu eedeeyey..

Caydiid Ali

Maxaa kahor taagan maamulada Puntland iyo Hirshabelle bilaabista Doorashada ?

Cabdi Cade

Dayuuradaha Israel oo garaacay xarunta ugu weyn Q/Midoobay ee Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---