Hay’adda warbaahinta Israel ayaa waxaa goordhow laga soo xigtay in ay Israel ka biyo diiday shuruudaha isku sidkan ee xabad joojinta magaalladda Qaza iyo sii-daynta tobaneeyo La-haystayaal ah.
Israel waxay soo jeedisay in marka hore shuruud la’aan la sii daayo la-haystayaasha gacanta ugu jira kooxda Xamaas, ka hor Wada-xaajoodka xabbad-Joojinta KMG ee magaallada Qaza.
Hadalka Israel ayaa soo baxay wax yar kadib, markii ay dhex dhexaadiyaasha dowladda Qatar ku dhawaaqeen in horumar laga sameeyey qorshe xabbad-joojin saddex maalin ah oo laga hirgeliyo magaalladda Qaza oo ay colaadaha halakeeyeen, si loo sii daayo 12 La-hayste oo kala-bar Maraykan ah.
Ilo ku dhow kooxda Xamaas waxay soo dhaweeyeen dhex-dhexaadintaasi, iyagoo soo bandhigay sii-daynta tobaneeyo la-haystayaal oo lagu bedelanayo xabbad joojin saddex maalin ka tisqaada magaalladda Qaza.
Dowladaha Qatar iyo Masar waxay kaalin muhiim ah kaga jiraan xal-u-helista dagaalka Xamaas iyo Israel, xabbad-joojinta aadminimo ee Qaza iyo sii-daynta la-haystayaasha ay labada dhinac kala haystaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com