Allbanaadir.com
NEWS

Xukuumadda Soomaaliya oo baaq deg deg ah u dirtay shirkadaha Diyaaradaha iska leh

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta mar kale ku baaqay in qof walba oo Soomaaliyeed uu doorkiisa ka qaato u gurmadka bulshadeena wax ku noqday roobabka iyo daadadka El-nino.

Mudane Saalax oo ka hadlay xarunta gurmadka degdegga ah ayaa si gaar ahaaneed ugu baaqay ganacsatada leh diyaaradaha oo maanta baahi weyn loo qabo doorkooda, maadaama gaadiidka cirka uu yahay sida kaliya ee gurmad lagu gaarsiin karo dadka tabaaleysan.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka dalka ayaa sheegay in daadadka ka dhashay roobka xooggan ee ka da’aya qeybo kamid ah dalka ay saameyn xooggan ku yeelatay dad ku dhaw hal milyan oo qof, kuwaa oo guryahooda ka barakacay ayna heestaan xaalado adag.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya in ay jiraan halis laga cabsi qabo oo kusoo wajahan maalmaha soo aadan magaalooyinka uu maro wabiga Shabelle sida magaalada Baladweyne iyo Jowhar.

Ra’isul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaana ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax heesta in ay gacan ka geestaan u gurmashada walaalahooda dhibaatada kasoo gaartay roobabka daadaka xooggan wata ee dalka qeybo kamid ah ka da’ay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Erdogan oo ka carooday dhoola tus milateri oo Sacuudiga ka qeyb galay

Cabdi Cade

Atariisho ka mid ah kuwa ugu caansan Bollywood-ka oo dhexda uga jirta fadeexad

Cabdi Cade

Musharax soo bandhigay Sadex Balan qaad uu ku fashilmay Rooble kadib Safarkii Qadar !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---