Allbanaadir.com
NEWS

Maamulka Khaatumo oo Eedeyn u jeediyay Muuse Biixi Baaqna u diray beesha Caalamka

War saxaafadeed kasoo baxay maamulka Khaatumo SSC ayaa lagu eedeyay maamulka Somaliland uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi, waxa ayna Khaatumo ku eedeeyeen maamulka Somaliland in colaad ka hurinayaan deegaannada maamulkooda.

Khaatumo warka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in saakay ciidamada Somaliland weerar kusoo qaaday deeganada Buqdharkayn iyo Yeyle , waxa ayna sheegeen in deegaannadaasi shalay iyo maanta ciidamada Somaliland ku dileen dad badan oo reer miyi’ ah.

Warka kasoo baxay Khaatumo ayaa lagu ogaysiiyay Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Halkan ka Akhriso War saxaafadeedka kasoo baxay Khaatumo

Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu si dhaw ula socdaa go’aammada colaadeed ee ka imaanaya maamulka Somaliland, kuwaas oo ku hawlan in ay colaad qabiil iyo dagaal beeleedyo ka abaabuulaan beelaha deggan deegaammadaas.

Maamulka Muuse Biixi wuxuu saaka weerar kusoo qaaday deeganada Buqdharkayn ilaa Yeyle oo isku jirta masaafo dhan 8 Kilometer. Deegaannadaas oo shalayna ay ciiddammada Soomaalilaan ku laayeen dad reer miyi ah kuwo kalena ku dhaawaceen. Weerarka saaka ayay malayshiyaadku ku laayeen dad reer miyi ah kuwo kalena ku barakiciyeen.

Ciiddammada difaaca maamulka SSC-KHAATUMO oo heegan buuxa ku jiray ayaa ka jawaabay weerarkaa fulaynimada ah iyagoona iska caabbiyey malayshiyaadka maamulka Somaliland.

Maamulku wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, in Muuse Biixi uu ka dhabaynayo ballan qaadkii colaad ka hurin deegaannada oodwadaagta ah, taasoo keenaysa dhimasho, burbur, iyo qaxinta bulshada oodwadaagta ah.

Haddaba, Maamulka SSC-Khaatumo isaga oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda ka saaran shacabkiisa iyo deegaankiisa wuxuu caddaynayaa in uu si dhab ah u qaadanayo colaad hurinta ay Somaliland waddo si dhawna uu ula socdo dhaqdhaqaaq kasta oo ay Somaliland damacsan tahay.

Sidoo kale Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Ugu dambayn, Maamulka SSC-Khaatumo waxuu mar labaad hoosta ka xarriiqayaa in ay u diyaarsanyihiin difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo idil, weerar kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin, kuwaas oo uu masuuliyaddeeda qaadayo Muuse Biixi iyo kooxdiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: R/W Kheyre oo ka qeyb galay Munaasabad Muqdisho ka dhacday

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo kormeeray dekadda Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Duqa Muqdisho iyo Pier Mario Daccò oo kormeer ku tagay Casa Italia oo dib loogu wareejiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---