Allbanaadir.com
NEWS

Tirada Shacabka Falastiin ee lagu xasuuqay magaalada Gaza oo Korortay iyo Caalamka oo…

Waxaa saacadbo saacada ka dambeysa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee shacabka Falastiin kasoo gaaraya duqeymaha cir iyo dhul ee ciidamada Israel ku garaacayaan magaalada Gaza.

Wasaaradda caafimaadka ee magaalada Gaza oo ay maamusho Xamaas ayaa sheegtay in tirada dadka lagu dilay duqeymaha Gaza ay gaartay 10,569, halka tirada dadka ku dhaawacmay ay intaasi kasii badan yihiin.

Tirada dadka ugu badan ee ciidamada Isreal ku laayeen duqeynta ayaa u badan carruur iyo haween, waxaana la sheegay in tirada carruurta xasuuqeen ciidamada Isreal ay gaarayaan 4,324 carruur ah.

Madaxda waddamada caalamka gaar ahaan kuwa reer Galbeedka ay ku faani jiray in ay ilaaliyaan xaquuqda aadanaha iyo tan carruurta ayaa iska fiirsanaya xasuuqa socda, halka madaxdaasi qaarkood ayba qiil u sameenayaan ciidamada Isreal ee xasuuqa wada.

Waddamada Carabta ayaa sidoo kale hadal maahanee aan wax ficil ah kasoo saarin gumaadka loo geesanayo shacabka Falastiin, waxa ayna noqotay dhibaatada ka taagan magaalada Gaza mid indhaha kaliya laga eegto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Khayre oo soo gebagebeeyey booqashadii dalalka Switzerland & Qatar

Caydiid Ali

Haweeneydii u horeysay oo loo doortay Gudoomiye ku-xigeenka Golaha shacabka

Caydiid Ali

(Sawirro) Maxay ahaayeen dhalinyarada Soomaalida ee lagu soo dhoweeyey Belgrade?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---