Safiirkii dowladda federaalka Soomaaliya u joogay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa dhameestay muddo xileedkiisa, waxaana loo sameeyay munaasabad kooban oo lagu sagootinayay.
Munaasabada sagootinta ah ee loo sameeyay Danjire Tarsan waxaa kasoo qeyb galay masuuliyiin katirsan dowladda Kenya, shaqaalaha safaarada iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay, kuwaa oo aad ula dhacsanaa shaqadii uu hayay Danjiraha inta uu joogay.
Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Arrimaha Dibadda Kenya Dr. Abraham Korir Sing’Oei, oo munaasabada sagootinta ka qeyb galay ayaa ku tilmaamay Danjire Tarsan inuu ahaa nin aad ugu ololeeya nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika iyo Geeska Afrika, wuxuuna ku ammaanay wax qabadkiisa ku aaddan horumarinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.
Danjire, Tarsan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu mahad celinayo dowladda Kenya sida diirran ee ay u soo dhaweysay iyo taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab istaagtay muddadii uu xilka hayay, waxa kale oo uu aad ugu mahad naqay asxaabtiisa iyo hawl-wadeenadiisa shacabka iyo dedaalka ay muujiyeen.
Duqii hore ee Muqdisho ayaa loo magacaabay in uu noqdo danjiraha Soomaaliya u jooga dalka Kenya sanandkii 2018-kii, waxa uuna muddo shan sanno ahaa danjiraha Soomaaliya u fadhiyay magaalada Nairobi.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com