Allbanaadir.com
NEWS

Sargaal Milatari oo ku geeriyooday bam gacmeed Hadiyad ahaan loogu geeyay

Sargaal sare oo katirsanaa ciidamada milatariga dalka Ukraine ayaa geeriyooday, kaddib markii ay ku qaraxday bam loogu geeyay hadiyad ahaan, xilli uu sargaalka u dabaaldegayay maalintiisa dhalashada.

Jenaraal Hennadiy Chastyakov, oo 39 jir ah ahaana La taliyahii madaxa ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa ku geeriyooday qaraxa lasoo qariyay ee hadiyad ahaanta loogu geeyay sida warbaahinta ku warameen.

Sargaalkan oo u dabaaldegayay maalinta dhalashadiisa ayaa la sheegay in qaar kamid ah asxaabtiisa hadiyad ahaan ugu keeneen bam , waxaana la sheegay in wiilkisa uu furay baakada hadiyad ku jirtay sidaasna ugu qaraxday.

Jenaraal Hennadiy Chastyakov ayaana ku dhintay qaraxa hadiyad loogu keenay, halka wiilkiisa oo 13-sanno jir ahna uu qaraxa kasoo gaaray dhaawac culus, waxa uuna falkan argagax badan galiyay milatariga dalka Ukraine uu muhiim u ahaa sargaalkan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Baar Sanguuni

Cabdi Cade

Dr Maxamed Mascari oo Baaritaan ku sameeyay Malabka la isku cayiliyo (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Wararkii ugu dambeeyey dayuuradii lagu soo riday Berdaale & Ganacsade caan ah oo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---