Qarax xoogan ayaa la soo sheegayaa inuu caawa ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho kaasoo daryankiisa laga maqlay meelo badan.
Sida wararku nagu soo gaarayaan qaraxan ayaa lala beegsaday xarun Waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile ay ku laheyd mid ka mid ah Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.
Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxan lagu aasay afaafka xarunta, aysana jirin khasaare nafeed oo ka dhashay balse uu geystay burbur xoogan oo soo gaaray xaruntaas.
Ciidamada amaanka DF ayaa gaaray goobtaas halkaasoo ay ka sameeyeen baaritaano kooban.
Lama oga illaa hadda sababta rasmiga ah ee qaraxan loo dhigay goobtaas, balse warar soo baxayey mudooyinkan ayaa sheegaya inuu jiray khilaaf sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Al-shabaab iyo mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta kaasoo salka ku hayo amaro ay soo saartay kooxda oo shirkaddu ay ka caga jiiday iney fuliso.