Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Daawo Sawirro) Khasaaraha duqeymihii u dambeeyey ee ka dhacay Gaza

Sida laga soo xigtay Wakaaladda wararka ee AFP, mas’uuliyiinta Caafimaadka Qasa ayaa sheegay in ugu yaraan 23 qof lagu dilay weerarro kala duwan oo xaga cirka ah oo ay Israel ka geysatay magaalooyinka Rafax iyo Khan Younis ee koonfurta Qasa.

Xerada Qaza ee Al-Shati ayaa kamid ah meelaha ay Israa’iiliyiinta ka geysteen weeraro culus..

“Dhammaantood waxay ku hoos jiraan burburka,” ayuu yidhi nin dhallinyaro ah, oo la halgamaya inuu joojiyo ilmada. “Dhammaan qoyskayga, dhammaan faracii qoyska Qaasim waxay ku hoos jiraan burburka,” ayuu raaciyay.

“Gurigayaga ugu weyn wuxuu ahaa meel u dhow masaajidka, waxaanan u guurnay halkan dhismihii adeerkay markii ay beegsadeen masaajidka iyo gurigayaga labadaba.” ayuu yiri qof ka mid ah dadka degaanka ee duqeymahaas ay saameynta ku yeesheen.

Goob jooge kale ayaa sheegay in diyaaradaha Israa’iil ay qaadeen weerar ayna beegsadeen guriga qoyska Shehada.

“Sideed qof ayaa naftooda ku waayey. 15-daqiiqo ka dib, ayaa diyaaraduhu waxay duqeeyeen dhismaha qoyska Halalohana, waxaana ku dhintay ilaa 30 qof. Waxaan si deg deg ah u nimid inaan caawino waxaana ku guuleysanay inaan soo saarno shan meyd ah,” ayuu u sheegay Al Jazeera.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Qaza ayaa sheegtay in 10,328 qof lagu dilay dhulkaas – oo ay ku jiraan in ka badan 4,100 carruur ah – tan iyo markii Israa’iil ay billowday ololaheeda aargoosiga ah.

Waxaa kusoo biiray in ka badan 300 oo qof dhimashadii shalay. Siyaasiyiinta qaar ayaa su’aal galiyay sax ahaanshiyaha tirooyinka wasaaradda caafimaadka Qaza, laakiin Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in tiradu ay tahay mid lagu kalsoonaan karo.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA MAANTA

Related posts

IMF oo boogidsay dadaalada Deyn Cafinta iyo Dib u habaynta dhaqaalaha Soomaaliya

Cabdi Cade

Taliye Indha-qarshe oo gaaray Kismaayo & Xog ku aadan ujeedada safarkiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Mahdi Guuleed: “Kenya waxay Axmed Madoobe saartay culeys xad-dhaaf ah”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---