Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ka hadlay fatahaadaha ayaa hay’adaha dowladda, kuwa caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in loo gurmado dadka ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in roobabka haatan ka da’aya dalka ay galaafteen nolosha dad badan, wuxuuna hay’dda SODMA ugu baaqay in qiimeyn kusoo sameeyaan goobaha ugu daran ee ay waxyeelladu ka dhalatay.
Dadka ku geeriyooday daadaka ayuu sheegay guddoomiyaha holaha shacabka in ay u badan yihiin dad barakacayaal ah oo markii horeba kasoo qaxay dhibaatooyin kala duwan kuna jiray xaalad liidata.
Guddoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ku amaanay isu gurmashada, wuxuuna ku celceliyay in dadka Soomaaliyeed dal iyo dibedba ay is caawiyaan una kacaan caawinta walaalahooda tabaaleysan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane, Sheekh Aadan Madoobe ayaa mar kale faray bulshada in ay raacaan farriimaha la siiyay kala fogaadaan meelaha biyo mareenka ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com