Ciidamada Isreal ayaa duqeymo naxariis darro ah ku garaacaya magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna muddo bil ah magaaladaasi ku dileen dad ka badan 10-kun qof oo shacab ah oo u badan haween iyo carruur.
Qaar kamid ah waddamada caalamka ayaa si kulul u cambaareeyay duqeymaha Isreal Gaza kawado, waddamada qaar ayaana xiriirka u jaray Isreal, halka waddamada qaarna ay kala soo baxeen diblumaasiyiintii u joogay Isreal.
Dalka Koonfur Afrika ayaa qaaday tallaabo uu ku muujinayo sida ay uga xun yihiin xasuuqa Isreal ka wado magaalada Gaza, waxa ayna wasaaradda arrimaha dibadda Koonfur Afrika si deg deg ah ugu amartay in diblumaasiyiintooda kasoo baxaan Isreal.
Koonfur Afrika ayaana si kulul u cambaareysay duqeymaha shacabka lagu leynayo ee ka socda dhulka Falastiin, waxa uuna dalkan horey caan ugu ahaa taageerada dadka Falastiin ay aaminsan yihiin in xuriyad u dagaallamayaan.
Waddamo dhowr ah ay kamid yihiin Chad, Chile iyo Colombia ayaa horey diblumaasiyiintii ka joogay Isreal uga soo saartay, waxaa sidoo kale jira dalal kale oo iyana qorsheenaya in Isreal xiriirka u jaraan kana soo saartay diblumaasiyiintooda joofa Tel Aviv.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com