Allbanaadir.com
NEWS

Iska horimaad Khasaaro geestay oo Garawe ka dhacay iyo Yuutuuber oo Sabab u noqday

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa sheegaya in halkaasi goordhaw ka dhacay iska horimaad sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Iska horimaadka oo dhax maray ciidamada ammaanka maamulka Puntland iyo ciidamo taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka dhacay barxada magaalada Garawe, xilli halkaasi soo dhaweyn loogu sameenayay Kabtan Ayuub oo kamid ah Yuutuubarada.

Inta la xaqiijiyay isku dhaca ka dhacay magaalada Garawe waxaa ku geeriyooday hal qof oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay saddex qof oo kale oo labo kamid ah shacab ahaayeen , halka kan kalana uu ahaa askari katirsan ciidamada Puntland.

Dadkii oo dhaweynta u sameyn lahaa ninkan baraha bulshada caanka ka ah ayaa goobta ku kala cararay, waxaana magaalada Garawe soo maray daqiiqado xasillooni darro iyo kala carar ah oo shacabka la kulmen.

Ninkan maanta lagu soo dhaweenayay magaalada Garawe oo lagu magacaabo Kabtan Ayuun ayaa marar badan diinta Islaamka ugu gefay, waxa uuna ninkan siyaasad ahaan taageersan yahay madaxweynaha Deni ee waqtigiisu dhammaadka yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Madaxweyne Farmaajo oo Caawa lagu soo dhaweeyay Kampala

admin

ATMIS oo ka hadashay weerarkii Al Shabaab saakay ku qaadeen Ciidankooda iyo Jawaabtii ay ka bixiyeen

Cabdi Cade

Dowlada Soomaaliya oo shaacisay qiimaha Xajka ee sanadka 2024ka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---