Allbanaadir.com
NEWS

Tirada askarta Mareykanka ee waxyeelada kasoo gaartay Duqeymaha Iraq iyo Syria oo …

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan saldhigyo milatari oo kuyaalla dalalka Iraq iyo Syria ayaa la kulmay weeraro duqeymo ah, kaddib weerarkii ciidamada Isreal ku qaadeen magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.

Weerarada xagga cirka ah ee lagu qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ayaa waxaa ka dhashay khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray ciidamada iyo sidoo kale xeryihii ay deganaayeen.

Waaxda Difaaca Maraykanka ee The Pentagon ayaa xalay shaacisay in 45 askari oo Maraykan ah lagu dhaawacay duqeymo lala beegsaday saldhigyada milliteriga Maraykanka ku leeyihiin dalalka Syria iyo Iraq.

Duqeymahan lagu garaacay saldhigyada ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay in ay geesteen maleeshiyaad hubeysan oo ku sugan dalalka Syria iyo Irqa, kuwaa oo duqeymaha ugu aargudayay duqeymaha Isreal ka geesaneyso magaalada Gaza.

Shaacinta khasaaraha soo gaaray askarta Maraykanka waxay ku soo beegantay, xilli ciiddamo Maraykan oo dheeraad ah iyo maraakiibta dagaalka oo uu ku jiro Gujis Nukliyeerka xambaarsan ay gaareen Bariga Dhexe iyo bariga badda Mediterranean Sea, si ay u difaacaan askarta iyo danaha Maraykanka ee gobolkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamaanka Itoobiya oo go’aan ka gaaray Ururka ONLF iyo Ururo kale oo hubeesan

Cabdi Cade

War Deg Deg Ah: Xiliga Baarlamaanka la horgeenayo Mooshinka Jawaari oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Cod sir ah oo laga duubay Francisco Madeira oo Sabab u noqday in dalka laga eryo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---