Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21aad oo gacan ka helaya Dadka deegaanka iyo daraawiishta Galmudug ayaa la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee Gobolka Mudug.
Howlgalkaan waxaa horkacaayey Taliyaha Qaybta 21aad Gaashaanle Sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta General Xasan Jaamici, waxaana ciidamada ay baritaano ka sameeyeen dhulka howdka ah ee deegaankaas.
Kooxdii Al Shabaab ee joogtay deegaankaan ayaa halkaas ka kala firxaday, waxaana hataan ku sii daba jira firxadkooda ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud.
Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa guulo waa weyn ka gaaray howlgalka ka socda gobolka Mudug, waxa ayna ciidamada Al Shabaab kala wareegeen deegaanno badan oo gobolkaasi kaga sugnaayeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com