Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmay safiiro dalal reer galbeed ah (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo safar ku jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenaya aya kulamo gooni gooni la qaatey qaar kamid ah safiirada dalalka reer galbeedka u jooga dalkaas.

Axmed Madoobe ayaa Safiirada uu kulamada la qaatay waxaa ka mid ah Maraykanka, Sweden, Jarmalka iyo Canada.

Warbaahinta Jubbaland ayaa baahisay in kulamadan lagaga hadley xaalada Amni ee uu hadda dalku ku sugan yahay, Arrimaha Siyaasadda iyo Sidii loo sii ambaqaadi lahaa adeegyada horumarineed ee ay dowladahani ka taageeraana Jubbaland, Sidookalena lagawada shaqeeyo hoos u daadejinta maamulka si adeeg hufan loo wada gaarsiiyo bulshada gobolka.

Axmed Madoobe ayaa waxaa khilaaf adag uu kala dhexeeyaa dowlada Somalia, waxaana xeel dheerayaasha siyaasada ay rumeysan yihiin inuu isku dayayo beesha caalamka inuu ka dhaadhiciyo waxyaabaha keenay inuu xiriirka u jaro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Dil caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho & faahfaahino kasoo baxaya

Caydiid Ali

Dowlad dadkeeda ka codsatay in ay iska yareeyaan Cabista Shaaha iyo Hal Sabab oo keentay

Cabdi Cade

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Ireland oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---