Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Gaza ay noqonayso ‘xabaalaha carruurta’ wuxuuna dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ku tilmaamay dhibaato bani’aadamnimo oo ku cusub dunida casriga ah
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay xabbad joojin degdeg ah oo laga sameeyo dagaalka Israel iyo Xamaas.
Waxa uu ku celceliyay digniintiisa ah in Marinka Qaza uu noqon doono “Xabaalaha carruurta”.
“Masiibada soo socota ayaa ka dhigaysa baahida loo qabo xabbad-joojin bini’aadantinimo mid degdeg ah saacad kasta,” ayuu u Xoghayuhu u sheegay saxafiyiinta xarunta Qaramada Midoobay.
“Riyada Gaza waa wax ka badan dhibaato bini’aadantinimo, lamana sii daawan karo, waxaan ku celcelinaynaa in la joojiyo xabada lana ogolaado gargaar balaaran” ayuu intaas ku daray xoghayaha guud ee QM
Hadalka Guterres ayaa yimid xili Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ay maanta ku dhawaaqday in tirada dadka ku dhintay Gaza 31 maalmood oo duqeymaha Israel ay kor u dhaaftay 10,000 kun noo qof
Hay’ad samafal oo British ah oo gargaar caafimaad u fidinaysa Falastiiniyiinta ayaa ku tilmaantay khasaarahaas mid aad u naxdin badan’.
In ka badan 4,000 oo caruur ah ayaa la sheegay inay ku jiraan dadka dhintay.
Waxaa jirta cabsi laga qabo in tirada ay kororto iyadoo dad gaaraya 2,000 oo qof la rumeysan yahay inay ku hoos jiraan burburka dhismayaal la duqeeyay.
Israaiil ayaa si miyir la’aan ah oo aan kala sooc laheyn waxay duqeymo ugu garaaceysaa goobaha rayidka ee magaalada Gaza, iyadoo ku andacooneysa iney beegsaneyso Xamaas, waxayna arrintaas fool xumo iyo ceeb u soo jiiday dalalka reer galbeedka ee taageeraya oo horey u sheegi jiray iney u taagan yihiin difaaca xuquuqda aadanaha.