Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaal dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay degmada Guriceel

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay inta la xaqiijiyey 4 kalena way ku dhaawacmeen is rasaasayn la sheegay inay ku dhexmartay degmada Guriceel ciidamada amniga iyo kooxo burcad ah.

Ciidanka Booliska iyo kuwa nabad sugidda oo dhinac ah ayaa la dagaalamay dabley hubaysan, kadib markii ay ciidamada amnigu bilaabeen hawlgal ay doonayeen inay ku sameeyaan hub ka dhigis.

Mid ka mid ah labada qof ee dhintay ayaa la xaqiijiyey inuu yahay askari ka tirsan booliska halka kan kale uu yahay qof shacab ah, inkastoo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Sidoo kale waxay wararku nagusoo gaarayaan in laba ka mid ah dadka dhaawacmay ay yihiin shacab halka laba kale ay yihiin askartii hawlgalka ku jirtay.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka Al-Shifa. Ciidamada amniga ayaa hadda wada hawl gal lagu baadi goobayo dableyda hubeysan oo baxsad ku jira.

 

Related posts

Nin dilay xaaskiisa iyo nin kale oo garab ku siiyay oo xukun dil ah lagu riday

Cabdi Cade

Dowlada oo soo saartay amar saameyn ku yeelanaya Wafdi Kenya u direyso Kismaayo

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo lagu dhaliilay Qoraal uu soo dhigay barta Twitterka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---