Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan qaraxyo caawa fiidnimadii laga maqlay magaalada Muqdisho caasimada Somalia, kuwasaoo dad badan argagax ku abuuray.
Warar hordhac ah ayaa la sheegayaa in qaraxyadan oo dhowr ahaa ay ka dhaceen dhisme ku yaalla degmada Shingaani oo uu horey u degenaa Marxuum Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.
Rag hubeysan oo la sheegay iney wateen Mooto bajaaj ayaa la sheegay iney bam gacmeedyo ku weerareen dhismahaas.
Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkan, iyadoo raggii fuliyey ay ku baxsadeen mootada ay wateen.
Ciidamada amaanka dowlada oo gaaray goobtaas ayaa wada baaritaano la xiriira sida ay wax u dhaceen, welina ma jiro war ay dhacdadan ka soo saareen.