Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad carbeed oo gargaar caafimaad ka daadisay hawada Gaza (Sawirro)

Dayuurad ay leedahay dowlada Jordan ayaa gargaar caafimaad ku daadisay magaalada Gaza xalay xili a socdeen duqeymo xoogan oo ay geysanayeen ciidamada Yuhuuda

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay isku dubarideen gargaarka Jordan si ay ugu daadiyaan Gaza.

Diyaarad laga leeyahay dalka Urdun, oo kaashanaysa ciidamada Israel, ayaa habeenimadii xalay “qalab caafimaad iyo cunto geysay Isbitaalka Urdun ee Marinka Qaza”, ayay ciidamada Israa’iil ku sheegeen hadal ay soo saareen “Qalabka waxaan u isticmaali doonaa shaqaalaha caafimaadka bukaanka.”

Hadalka Israel ayaa imaanaya ka dib markii Boqorka Jordan Boqor Cabdallaha II uu ku dhawaaqay in ciidamada cirka ee dalkiisa ay diyaarad gargaar caafimaad ah gaarsiiyeen Isbitaalka Jordan oo ku yaala magaalada go’doonsan ee Gaza

Boqor Cabdallah wuxuu sheegay inay tahay “waajibka” Urdun inay caawiyaan iyo “waxaan had iyo jeer u ahaan doonaa walaalaheen Falastiin”.

Si la mid ah dalalka kale ee Carabta, Urdun ayaa cambaareysay duqeymaha Israa’iil ee Gaza, taasoo mas’uuliyiinta maamulka Xamaas ay sheegeen in lagu dilay ugu yaraan 10,022 Falastiiniyiin ah.

Toddobaadkii hore, Amman waxay u yeeratay safiirkeedii Israa’iil ka dib markii ay ku eedaysay Tel aviv iney abuurtay “masiibo bini’aadantinimo oo aan horay loo arag”.

 

Related posts

Soomaaliya Xiligan Diyaar Ma u Tahay Bixitaanta Ciidamada Mareykanka ?

Cabdi Cade

Madaale oo amar bixiyey ka dib Cabasho ka timid Shirkadaha..

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Qarax gaari laga soo buuxiyey oo ka dhacay Magaalada Alexandria

Caydiid Ali
Taboola Ads ---