Labo nin oo Soomaali ah ayaa galabta lagu dilay deegaan hoostaga magaalada Cape Town ee dalka Koomfur Afrika.
Kooxo hubeysan oo la sheegay iney ahaayeen burcad u dhalatay dalka Koonfur afrika ayaa la sheegay iney ka dambeeyeen dilalka.
Magacyada dhalinyarada Soomaalida ee la dilay ayaa lagu kala sheegay Abuukar Cumar Cosoble iyo Axmed Maxamed Qoslaaye.
Ciidanka Booliska dalkaas oo aan looga baran iney wax badan ka qabtaan dilalka noocan ah ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyagoo sameeyey baaritaano.
Maalmo ka hor ayey aheyd markii Soomaali kale lagu dilay goobtiisa ganacsiga oo ku taalla xaafada Thembalethu ee Gobolka Western Cape.
Boqolaal Soomaali ah oo ganacsiyo yar yar ku shaqeysanayey ayaa sanadihii la soo dhaafay lagu dilay magaalooyin iyo tuulooyin ku yaalla dalka Koonfur Afrika, kuwaasoo aysan jirin illaa hadda cid loo soo xiray.