Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Blinken oo Turkiga ka dhoofay & Madaxweyne Erdogan oo diiday inuu qaabilo (Sawirro)

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa soo gebagebeeyey booqasho labo cisho ah oo uu ku tagay Turkiga isagoo dhigiisa dalkaas kala hadlay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas.

Turkiga ayaa darajo hoose ku soo dhoweeyey Blinken, waxaana garoonka ku soo dhoweeyey Gudoomiye ku-xigeenka Magaalada Ankara, iyadoo wadada uu sii maray Blinken ee tagta Wasaarada arrimaha dibeda ee Turkiga loogu dhajiyey sawirka afhayeenka Xamaas Abu Cubeyda.

Boqolaal qof oo mudaaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga halkaasoo ay wadahadal ku yeesheen wasiirka arrimaha dibadda dalkaas Hakan Fidan iyo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.

Dibad-baxayaasha ayaa ku eedeeyay Mareykanka inuu gacan ka geystay dhimashada rayidka Falastiiniyiinta ee Qaza.

Blinken ayaa isku dayay inuu ku qanciyo saraakiisha Turkiga inay cadaadis dheeraad ah saaraan Xamaas oo ay sii daayaan maxaabiista. Balse Turkiga mawqifkiisu aad buu u cad yahay. Waxay u sheegeen in maxaabiista lagu sii deyn karo oo kaliya is waydaarsi iyo in Xamaas ay sii deyso maxaabiista, Israa’iilna ay sii deyso maxaabiista Falastiiniyiinta ah.

Turkiga ayaa sidoo kale codsaday xabbad joojin shuruud la’aan ah, wuxuuna sheegay inay tahay in la helo hannaan caalami ah oo lagu ilaalinayo xabbad joojinta hase ahaatee Blinken ayaa talaabadaas diiday.

Waxaa uu codsaday Blinken inuu la kulmo Madaxweyne Erdogan hase ahaatee waxaa loo sheegay inuusan la kulmi karin sababo la xiriira inuu mashquul ku yahay howlaha Qaranka, iyadoo wararka qaarkood sheegayaan in Erdogan uu si cad u diiday inuu qaabilo Blinken.

Related posts

Nin Dil kasoo geestay magaalada Laascaanood oo lagu qabtay Muqdisho

Cabdi Cade

Bandowgii dowlada soo rogtay oo caawa ka dhaqan galay Muqdisho (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Qarax weyn oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---