Allbanaadir.com
NEWS

Xukun dil ah oo lagu riday nin dilay Wiil uu dhalay Jilaa Soomaali caan ka ahaa (Sawirro)

Maxkamadda ciidamada qalanka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Cabdulaahi Cabdi Mustaf, oo  lagu helay dil bareer ah uu u geystay Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali (Awdaango), ninkan ayaana dhalay jilaaga caanka ahaa ee Awdaango.

Ninkan xukunka dilka ah lagu riday Cabdulaahi Cabdi Mustaf oo la sheegay in uu ka carrooday weydiinta booliska ee warqada fasaxa CID Mooto-Feykoon uu watay, ayaa danaano ahaan ugu yeertay walaalkiis Dable Boolis Daahir Cabdi Mustaf oo ka titsan taliska qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir isla markaana uu u dhiibay qorigii lagu dilay marxuum Dable Boolis Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango) oo xiligaas ku sugnaa barta gaadiidka lagu hubiyo ee wadada Afisooni Sagaal iyo tobankii bishii December ee 2022.

Garsoorka Maxkamdda Darajada Koowaad ee Ciidmadda oo dhageystay dhinacyada dacwadda ayaa labo iyo labaatankii bishii February ee sannadkan ku xukuntay Cabdulaahi Cabdi Mustaf dil toogasho, tasoo ah qisaasta marxuum Cabdikariin Ibraahin Cali ( Awdaango), halka dable boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay shan sanno oo xabsi ciidan ah.

Intaasi kadib Qareenada eedeysanayaasha ayaa racfaan u qaatay Maxkamda Sare ee Ciidmadda oo iyana kiiskan mar kale dhageysatay kowdii bishan, ayaa ugu danbeyn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Cabdulaahi Cabdi Mustaf, halka Dable boolis Daahir Cabdi Mustaf lagu xukumay mar kale Afar sanno oo xabsi ciidan ah, Sida uu warbaahinta la wadaagay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ergeyga Madaxweynaha oo dalbaday in balaayiin dollar oo magdhow ah Somalia la siiyo

Caydiid Ali

Hay’adda Cilmi baarista baddaha Soomaaliyed oo digniin culus soo saartay

Caydiid Ali

Shirka Dhuusomareeb oo lagu kala tagay iyo dadaalo lagu bad baadinayo shirkaasi oo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---