Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas oo Gantaalo culus ku garaacday Isreal iyo argagax xooggan oo ka dhashay

Kooxda Xamaas ayaa tiro badan oo gantaalo ah ku garaacday magaalooyin kuyaalla Isreal, waxa ayna gantaalada argagax badan ku abureen Israa’iiliyiin badan oo kunool magaalooyinka laga maqlay dhawaqa gantaaladan.

War kasoo baxay milatariga Isreal ayey ku sheegeen in si weyn looga maqlay magaalooyin kuyaalla bartamaha Isreal dhawaqa gantaalo culus oo kooxda Xamaas kusoo tuureen dhinaca dhulka Isreal maamusho.

Dad badan oo Israa’iiliyiin ah oo maqlay dhawaqyada gantaalada iyo dhawaqa digniinta bixiya ayaa si weyn u argagaxay, waxa ayna dadka ku kala carareen goobo shub ah, si ay gabaad uga dhigtaan.

“Malaayiin Israa’iiliyiin ah ayaa ka ordaya sidii ay uga gamban lahaayeen bambooyinka,” ayaa lagu yiro qoraal la soo dhigay barta X, oo horey loo oran jiray twitter isla markaana ay leeyihiin milatariga

Shacabka Isreal ayaa wali xasuusta weerarkii kooxda Xamaas ay gudaha Isreal ka geesteen 7-dii bishii hore ee October, weerarkaasi ayaa lagu dilay ku dhawada 1,500 qof oo Israa’iiliyin ah ,halka lagu afduuibtay in ka badan 200-qof oo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano badan oo maanta qaatay Shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaanimo (Magacyada)

Cabdi Cade

Qaybta 2 aad :- Maxay aheyd faaxishadii sababtay in la halaago Qoomkii loo diray Nebi Luud CS?

admin

Xassan Shiikh oo taliye cusub u magacaabay ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---