Soomaaliya ayaa sheegtay iney u tartamayso kursi aan joogto ahayn oo ay ka hesho Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Kursigaan ayaa ah kursi Afrika u gaar ah ah, si gaar ahna waxaa u yeelan doono waddan ku yaal Bariga Afrika oo Soomaaliya ay dhacdo.
Midowga Afrika ayaa laga rabaa inuu u ogolaado 21-ka bishan Soomaaliya inay noqoto Musharaxa Afrika ee kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2025-2026.
“Soomaaliya waa lagu aamini karaa inay hormuud ka noqoto Ajendaha nabadda iyo amniga Afrika iyo sidoo kale u hoggaansanaanta mabaadi’da iyo axdiga Qaramada Midoobay si loo dhiso nidaam caalami ah oo nabad ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiioska QM ee Somalia UNSOM.
Doorashada kursigaan oo qeyb ka ah shan kursi oo aan joogto ahayn, ayaa la qaban doonaa bartamaha sanadka 2024, inta lagu guda jiro kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Waddamada ku guulaysta waxay ka mid noqon doonaan toban waddan ee ku fadhiya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka, muddo labo sano ah.
Soomaaliya ayaa dalka Tanazia uga tanaasushay tartanka doorashada madaxweynaha baarlamaana adduunka, oo ay ku guulaysatay guddoomiyaha baarlamanka Tanzania, iyadoo taa bedelkeed ay Tanzania kula heshiisay iney kala shaqeyso kuriga golaha amaanka.