Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Beesha Ceyr oo war ka soo saartay dilalkii dhowaan ka dhacay Dhuusamareeb

Odayaasha dhaqanka ee beesha Yabardhowrakace Ceyr ayaa ka hadlay dilalkii dhowaan magaalada Dhuusamareeb loogu geystay ganacsato ka soo jeeda beesha Saleebaan.

Odayaasha Beesha ayaa qirtay in dilka labadii nin ee ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ay ka dambeeyeen dabley iyaga ku heyb ah, waxayna ka bixiyeen raali gelin buuxda, iyagoo intaas raaciyey iney aad uga xun yihiin.

Waxay tacsi u direen qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen labada ganacsade

Sidoo kale waxay balan qaadeen inay soo qaba doonaan raggii dilay labada marxuum ayna soo taagio doonaan sharciga si loo mariyo ciqaabta dambiga ay galeen.

Sidoo kale, waxay balan-qaadeen in fal noocaas oo kale ah uusan mar dambe ka dhici doonin magaalada Dhuusamareeb.

Kooxo hubeysan ayaa dhowaan magaalada Dhuusamareeb ku dilay Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo aad looga yaqaanay Dhuusamareeb kana tirsanaa ganacsatada, waxaana dilkaas oo aad looga xumaaday uu salka klu hayey dilal aano qabiil oo u dhexeeyey labada beelood

HOOS KA DAAWO BAYAANKA BEESHA CEYR

Related posts

(Sawirro) Shacab hubeysan oo gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Caydiid Ali

Baarlamanka Somaliland oo cod aqbaliyad leh ku ansixiyey..

Caydiid Ali

Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay Gaalkacyo & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---