Ra’isul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta waxa uu booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin katirsan hay’adda.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Salaax Axmed Jaamac ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño.
”Waxaan bulshada Soomaaliyeed la wadaagaa saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoogga leh ee ka da’ay gobollada dalka, xog aan hayno dhimashu waa ilaa 10 qof.” ayuu yiri Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Salaax Axmed Jaamac ayaa sheegay in dowladu ay mudo ku jirtay abaabul iyo sidii wax loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan ee dhibaatadu gaartay.
Ugu dembayntii Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalka wuxuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan bulshadu dhibku gaaray ee ku nool Gobalada xaalada deg dega ah ay ka taagan yihiin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com