Rag hubeysan ayaa xabsi kuyaalla magaalada Conakry ee caasimadda dalka Guinea kala baxay hoggaamiyihii hore milatariga dalkaasi Moussa Dadis Camara iyo xubno kale oo xabsiga kula xirnaa.
War kasoo baxay dowladda Guinea ayaa lagu sheegay in rag hubeysan Sabtidii weerar ku qaadeen xabsi kuyaalla magaalada Conakry, waxa ayna ragga hubeysan xabsiga xoog ugala baxeen Moussa Dadis Camara iyo saddex xubnood oo kale.
Booliiska dalka Guinea ayaa hadda wada baadigoobka xubhana lagala baxay xabsiga , waxa ayna dowladda xirtay xaduudka dalkaasi, iyagoona howlgalisay ciidamo badan oo soo qabta hoggaamiyaha baxsadka ah iyo xubnaha la socda.
Wasiirka cadaalada ee Guinea Charles Alphonse Wright, ayaa xaqiijiyay in rag hubeysan xabsiga kala baxeen hoggaamiyihii milatariga xoogga ku qabsaday dalka Guinea, waxa uuna xusay wasiirka in lala xisaabtami doono dadkii ka dambeeyay weerarka xabsiga.
Hoggaamiyihii milatariga dalka Guinea iyo xubno kale ayaa loo heestaa dilka dad gaaraya 150-qof oo lagu dilay mudaharaadyo ka dhacay dalka Guinea sannadkii 2009-kii, xilligaas ay socdeen dibad baxyo dowladda looga soo horjeeday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com