Nin toorey ku hubeysnaa ayaa shalay oo Sabti ah magaalada Lyon ee dalka Faransiiska ku dhaawacay haweeney Yahuud ah, waxaana goobta weerarka ka dhacay ka baxsaday ninkii falkaasi geestay.
Booliiska magaalada Lyon ayaa wada baadigoob xooggan ay ku raadinayaan ninka weerarka geestay, waxa ayna booliiska dadweynaha magaalada ka codsadeen in ay lasoo wadaagaan xogta ninka weerarka ka dambeeyay.
Duqa magaalada Lyon, Gregory Doucet ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka tooreyda loo adeegsaday, waxa uuna weerarkan ku tilmaamay ficil rabshada wata oon laga fekerin, waxa uuna taageero u muujiyay ehelka haweeneyda la dhaawacay.
Qaar kamid ah waddamada caalamka waxaa muddooyinkii lasoo dhaafay ku batay Yahuud naceybka, waxa uuna naceybka loo qabo Yahuuda korortay tan iyo markii Isreal ay bilowday duqeymaha arxan darada ah ay ku xasuuqayaan shacabka Falastiin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com