Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo saxiixay saddex Hindise Sharciyeed (Akhriso)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ka duulaya hirgelinta hannaan ku dhisan sharci iyo xeerar xoojiya awoodda Dowladda ayaa saxiixay Hindise sharciyeedyada kala ah:

-Hindise Sharciyeedka Wado Marista.
-Hindise Sharciyeedka Xakameynta Hubka fudud.
-Hindise Sharciyeedka Diiwaan gelinta Hay’adaha aan dowliga ahayn.
-Miisaaniyad sanadeedka Dowladda Hirshabelle ee 2024-ka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale XEER kusoo saaray dhaqan-galka ansixinta degmooyinka kala ah:

-Gamboole
-Farlibaax
-Cali Gaduud
-Moqokori
-Raage ceelle
-Buq-aqable
-Xawaadley
-Buurweyn

Munaasabada saxiixa Hindise Sharciyeedyada iyo Xeerarka waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdi Xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Xubno ka tirsan Baarlamaanka, Golaha Wasiirada iyo Masuuliyiin kale.

Related posts

Xukun adag oo lagu riday lamaane Soomaali ah & sabab yaab leh oo ka dambeysa

Caydiid Ali

Muuse Biixi oo la kulmay Safiirka Mareykanka iyo Taliyaha Africom (Sawirro)

Cabdi Cade

R/W Rooble oo ka hadlay Jadwalka cusub ee Doorashada ee Caawa lasoo saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---