Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay iska horimaad shalay galab ka dhacday Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar, kaa oo dhaxmaray ciidanka Danab iyo ciidan ilaalo u ahaa masuuliyiin katirsan Hirshabelle.
Qoraalka kasoo baxay wasaaradda Difaaca ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin dhacdadii shalay dhacday, waxa ayna wasaaradda sheegtay in la bilaabay baarista dhacdadaasi lana horgeyn doono caddaaladda dadkii falkaasi ku lugta lahaa.