Jariidada Axios ee ka soo baxda Israel ayaa ku warameysa in Israa’iil ay ku wargelisay Mareykanka qorshe deg deg ah oo shidaal lagu gelinayo koonfurta Qaza iyadoo uu la socdo kormeer caalami ah.
Arrintan ayaa ku soo beegantay xili isbitaalada Gaza oo la ciirciiraya dhaawacyada kumanaan shacab ah intooda badan ay shaqadii joojiyeen shidaal la’aan awgeed.
Labo sarkaal oo Israa’iil ka tirsan oo aan la magacaabin ayaa sheegay in booyadaha ka yimaada Masar ay Gaza la geli doonaan shidaal ku filan oo ay ku shaqeeyaan isbitaallada iyo xarumaha kale ee bini’aadantinimo muddo cayiman.
Booyad kasta waxaa weheliya koox ka socota Qaramada Midoobay oo si dhow ula socon doonta hubinta in shidaalka la geeyo isbitaallada ujeeddadii loogu talagalay, ayaa lagu yiri warbixinta.
Qorshuhu ayaa u baahan yahay ogolaanshaha golaha wasiirada dagaalka ee Israa’iil, iyadoo Israel uu arriintan ku cadaadiyey Mareykanka oo haatan wajahaya ceeb iyo fadeexad ka heysata sumcadii uu ku lahaa caalamka sababo la xiriira taageerada Yuhuuda iyo xasuuqa ka socda Gaza.
Go’doominta Israa’iil ee Qaza ayaa ka jartay sahaydii shidaalka, waxaana si aad ah loo xaddiday helidda cuntada, biyaha iyo korontada iyadoo milatariga Israa’iil ay sii wadaan duqeymaha ay ku garaacayaan marinka, halkaas oo isbitaallada ay ka buuxaan dhimashada iyo dhaawaca.