Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa wax laga xumaado iyo xasuuq ku tilmaamay duqeynta ay ciidamada Yuihuudu ku hayaan shacabka reer Falastiin ee ku nool Gaza.
Muuse Biixi ayaa sheegay inaan la aqbali karin gumaadka iyo xasuuqa aan kala sooca laheyn ee lagu hayo shacabka reer Falastiin.
“Niyadeena waxay la jirtaa shacabka dulman ee reer Falastiin oo xasuuq iyo gumaad lagu hayo, waana iney helaan xuquuqdooda iyo xoriyadooda” ayuu yiri Muuse Biixi.
Waxaa uu ku eedeeyey dalalka reer galbeedka ioney ka gaabiyeen wax qabashada xasuuqa ay Yuhuudu geysaneyso, qaarkoodna ayba taageereen ficilada foosha xun ee lagula kacayo shacabka Gaza.
Sidoo kale, dalalka Carabta ayuu ku dhaleeceeyey iney indhaha ka qabsadeen u gargaarida iyo hiilada walaalahood, iyagoo taa bedelkeed raaligelinaya Yuhuuda iyo reer galbeedka.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad ballaaran oo loogu dabbaaldegayey sannad-guurada 30-aad ee ka soo wareegtay Aasaaskii ciidanka Booliska Somaliland oo maanta lagu qabtay Hargeysa.
HOOS KA DAAWO HADALKA MUUSE BIIXI