Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirada arrimaha Dibeda Carabta oo runta u sheegay dhigooda Blinken (Sawirro)

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku sugan magaalada Cammaan ee dalka Urdun, ka dib kulamo uu Israa’iil kula yeeshay madaxda dalkaasi oo ay kaga wada hadleen dagaalka ka socda Gaza.

Wasiirada arrimaha dibadda ee Jordan, Saudi Arabia, Imaaraadka Carabta, Masar iyo Qatar, iyo sidoo kale xoghayaha guddiga fulinta ee ururka xoreynta Falastiin, ayaa la kulmay Blinken, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Jordan.

Magaalada Cammaan waxa uu Blinken kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Urdun, oo ay wehliyaan Wasiirada Arrimaha Dibadda Carabta ee Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Qatar, iyo sidoo kale xoghayaha guud ee guddiga fulinta ee Ururka Xoreynta Falastiin.

Waxa ay ka shirayeen si ay u dejiyaan qorshayaal lagu soo afjarayo dhibaatada bini’aadantinimo ee Gaza iyo dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas.

Blinken ayaa sheegay in Maraykanku uu si buuxda taageeray xaqqa iyo waajibka Israa’iil ka saaran in ay is difaacdo, laakiin waxa uu sidoo kale ugu baaqay Israel in ay hakiso hawlgallada milatari oo ay u oggolaato gargaar bini’aadantinimo oo dheeraad ah in la geeyo Gaza.

RW Jordan Ayman Safadi ayaa Blinken hortiisa ka sheegay in Israa’iil ay dambiyo dagaal ka geysaneyso Gaza, loona baahan yahay inaysan ka sarreyn sharciga caalamiga ah.

Waxa uu sheegay inkastoo uu cambaareeyay weerarka Xamaas, haddana dagaalka Gaza aan la ogolaan karin inuu sii socdo.

“Gobolka oo dhan wuxuu ku sii qulqulayaa bad nacayb kaasoo cadaawada Israel ku abuuraya jiilalka soo socda,” ayuu yiri Safadi.

“Ma aqbalin in tani ay tahay is-difaac,” ayuu yiri Safadi, isaga oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah. “Ma dhici karto in marmarsiiyo loo marmarsiiyoodo, ficilada Israa’iilna, ma keeni doonaan nabada gobolka.” ayuu intaas ku daray.

Wasiirada arrimaha dibadda ee Carabta ayaa lagu ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Gaza intii lagu guda jiray shir madaxeedka Camaan.

Intii lagu jiray kulanka Wasiiradu waxay xaqiijiyeen mowqifka Carabta, kaasoo ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah iyo in si degdeg ah gargaar bani’aadamnimo loo gaarsiiyo Marinka Gaza.

Subaxnimadii Sabtida, Blinken wuxuu la kulmay ra’iisul-wasaaraha ku-meel-gaarka ah ee Lubnaan Najib Mikati si ay uga wadahadlaan xiisadda toddobaadyada ah ee u dhexeysa kooxda Iran ee Iran taageerto ee Hezbollah iyo Israa’iil ee ku taal xadka Israa’iil iyo Lubnaan, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Matthew Miller.

Related posts

(Sawirro) Dad ka badan Soddon qof oo ku dhintay shil fool xun oo ka dhacay Kenieba

Caydiid Ali

Sababaha soo celiyey khilaafka mar kale ka dhex qarxay Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi?

Caydiid Ali

Markabka Oruç Reis oo loo soo diray Soomaaliya iyo Erdogan oo sagootiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---