Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaaraha Israel oo si adag u diiday dalab ka yimid Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa iska diiday soo jeedinta xabbad-joojin ku meel gaar ah oo lala galo Xamaas, dalabkaasoo uu watay Xoghayaha arrimaha dibeda Mareykanka.

Iyadoo dagaalka u dhaxeeya ciidamada difaaca Israel (IDF) iyo Xamaas uu galayo todobaadkiisii ​​shanaad, Netanyahu ayaa magaalada Tel Aviv kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken.

Labada nin ayaa ka wada hadlay, baaqyada Mareykanka ee ah in Israa’iil ay ogolaato joojinta bini’aadantinimo ee duqeymaha ay ku hayso Gaza si loogu ogolaado in si wax ku ool ah loo gaarsiiyo gargaarka.

Netanyahu ayaa sheegay in ilaa dhammaan la-haystayaasha la sii daayo, aan heshiis noocaas ah la samayn karin.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa maanta ku sugan dalka Urdun si uu wadahadal ula yeesho wakiilo ka socda dalalka Carabta oo la filayo in ay ku baaqaan xabbad joojin degdeg ah oo laga sameeyo Qaza.

Wuxuu la kulmi doonaa Boqor Cabdalla ka hor inta uusan wada hadal la yeelan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jordan, Qatar, Saudi Arabia, Masar iyo UAE, iyo sidoo kale wakiil ka socda maamulka Falastiin.

Waxaa jiray walaac isa soo taraya oo ku saabsan khasaaraha tirada badan ee rayidka soo gaaray.

Wasaaradda Caafimaadka ee Xamaas ayaa ku dhawaaqday in tirada dhimashada weerarkii Israa’iil ee Jimcihii la beegsaday baabuur ambalaas ah oo marayay afaafka hore ee cisbitaalka magaalada Gaza ay gaartay 15 dhimasho ah iyo 60 dhaawac ah, kaddib markii Israa’iil ay xaqiijisay in gaariga la beegsaday, iyadoo sheegtay. “Ururka argagixisada Xamaas” ayaa isticmaalayey. Tiro hore ayaa lagu sheegay in 13 qof ay ku dhinteen 26 kalena ay ku dhaawacmeen.

Afhayeen u hadlay wasaaradda Ashraf Al-Qudra ayaa xaqiijiyay in “Israa’iil ay si ula kac ah u duqaysay baabuurta gurmadka degdega ah ee ka soo horjeedda xarunta caafimaadka ee Al-Shifa si ay uga hortagto dadka dhaawaca ah in loo qaado Masar si loogu soo daweeyo.” Waxa uu tilmaamay in Gaariga Ambalaasta ah ee la beegsaday uu waday tiro dad ah oo dhaawac ah oo la doonayay in lagu soo daweyeyo dalka Masar.

Related posts

Khasaaraha ka dhashay qaraxii saakay ka dhacay magaalada Muqdisho oo sii kordhay

Cabdi Cade

(Sawirro) Meydka Marxuum Cali Mahdi oo goor dhow Muqdisho laga soo dejiyey

Caydiid Ali

Warar cusub oo kasoo kordhay cudurka sababay geeridii ku timid Madaxweynaha Burundi

Cabdi Cade