Allbanaadir.com
NEWS

Kooxda Xamaas oo farriimo u dirtay qoysaska dadka ay afduub ahaanta u heestaan

Kooxda Xamaas ayaa afduub ahaan u heesata in ka badan 200-qof oo u dhashay Isreal, kuwaa la qafaashay 7-dii bishii October maalintii weerarka lala yaabay Xamaas ku qaadeen dhulka Isreal xoogga ku heysato.

Isreal ayaana diiday dalabyo la xariiray in ay duqeymaha joojiyaan sidoo kale la sameeyo maxaabiis is dhaafsi, waxa ayna Isreal taa badalkeeda doonayaan in ay xoog kusoo furtaan maxaabiista Xamaas ka heesato.

Warbaahinta Isreal ayaa baahisay in kooxda Xamaas farriimo ku qoran luqada Hebrey u dirtay qoysaska maxaabiista ay heestaan, kuwaa ay ka dalbanayeen in maamulkooda ku cadaadiyaan in maxaabiista la is dhaafsado.

”Fariintan waxay ka timid Al Qasaam, waxaan u bandhignay Xukuumadiina Codsi ku aadan Isdhaafsiga Maxaabiista, balse, ma aysan aqbalin dalabkaasi. Tani waa Farriinteena: “Sii-daynta dhamaan Maxaabiista Sahyuuniyada waxaa la dhaafsanayaa Sii-daynta dhamaan Maxaabiista Reer Falastiin” ayaa lagu yiri farriimaha Xamaas dirtay.

Kooxda Xamaas ayaa horey u sheegtay qaar kamid ah dadka ay afduub ahaanta u heesteen ay ku dhinteen duqeymaha ciidamada Isreal ku garaacayaan qeybo badan oo kamid ah magaalada Gaza.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abdalla Al Rabeeh oo lagu martiqaaday in Soomaaliya yimaado

Cabdi Cade

Raila Odinga oo Diiday ka qeyb galka Munaasabada Caleemo Saarka Madaxweyne Ruto

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Farmaajo iyo waxii ay kawada hadleen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---