Ciidamada ammaanka ayaa si buuxda ula wareegay ammaanka deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, halkaas oo muddooyinkii lasoo dhaafay isku hor fadhiyeen labo maleeshiyo beeleed oo iska soo horjeeda.
Deegaankan iyo tuulooyin hoostaga waxaa ka dhacay dilal salka ku hayay aanooyin qabiil, waxaana isku hor fadhiyay labo maleeshiyo oo kasoo kala jeeda beelaha Saleymaan iyo Ceyr ee ku abtirsada beel weynta Habargidir.
Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada gaaray deegaanka Xananbuure ayaa kulan la qaatay odayaasha deegaanka, waxa ayna ciidamada deegaanka ka mamnuuceen in wax hub ah lagu dhax qaato, iyagoona maleeshiyaadka is haya uga digay gacan ka hadal.
Deegaanka Xananbuure waxaa la degay oo ragaadiyay colaad beeleed kusoo noq noqday, waxaana colaadan sabab u noqday ceelal iyo dhul ay isku heestaan labada beel ee wada dega deegaankaasi.
Colaada deegaankan ka taagan ayaa dhawwaan sababtay in labo nin oo ganacsato ahaa aano qabiil loogu dhax dilo magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug, raga la dilay ayaana kasoo jeeday beesha degta degmada Cadaado.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com