Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Anthony Blinken iyo dhigiisa 6 dal oo Carbeed ayaa la filayaa inay maanta shir wadareed ku yeeshaan caasimadda Boqortooyada dalka Urdun ee Cammaan .
Kulanka ay Wasiiradda arrimaha dobadda ee dalalka Sacuudiga, Masar, Urdun, Qatar, Imaaraadka iyo Falastiin la leeyihiin dhigooda Maraykanka ayaa looga hadli doonaa Dagaalka Xamaas iyo Israel iyo masiibada aadminimo ee ka jirta magaalladda Qasa .
Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar, Axmed Abu Sayd ayaa sheegay inuu Mowqifka Carbeed yahay mid mideysan, lana oggolaan doonin wax kasta oo shaki iyo mugdi leh ee uu xoghaye Blinken ku soo bandhigo shirka ay maanta la leeyihiin.
Qoraal uu Axmed Abu Sayd soo dhigay ayuu ku xusay in ay lama huraan tahay in la joojiyo caddowtooyada Israel, muhiimada gelitaanka gargaarka aadminimada ee Falastiin, la soo af-jaro gumeysiga, barakicinta khasabka iyo dhismaha dowlad Falastiin oo Xor ah, taasi oo ah xalka.
Si kastaba, Kulanka Wasiirrada Carbeed iyo Maraykanka maanta ku leeyihiin Caasimadda dalka Urdun ee Cammaan ayaan la saadaalin karin Natiijada laga filan karo, maadaama Maraykanka loo arko mid aan dhexdhexaad ka ahayn dagaalka haatan socda iyo qaddiyada guud ee dadka reer Falastiin.
Si kastaba, Kulanka maanta ka dhacayo dalka Urdun ayaa ah kulankii koowaad ee heerkaasi ah, tan iyo markii uu fashilmay kulan uu Xoghaye Blinken bishii hore la yeelan lahaa qaar ka mid ah madaxda dalalka Carbeed ee galaangalka ku leh xal-u-raadinta qaddiyada dowladeed ee Falastiin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com